QAYBTA 1-AAD DHAQAMADA AY AHAYD IN LA INOOGU DAYDO, LAAKIIN AYNU DAD KALE KA ARKAYNO!
Guud ahaan aduunka waxaa ku nool dadyow Fara badan oo kala dhaqan, jaan iyo diinba ah, laakiin Marka loo eego dhaqankeena Soomaaliyeed, inta badan waxaa uu ku salaysanaa diinteena Islaamka.
Hadaynu Ka istaagno xaqal taas Ka yera qaloocan, burburkii Ka dib waxaynu noqonay dad loo tusaale qaato dhaqamada xun xun, inkastoo weli ay jiraan dad barakaysan oo aan weli ka laaban dhaqankeena.
1- Qofka muslimka ah waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay qof axdi/Balan leh, Nasiib Daro waxaad moodaa in soomaalidii dhaqankii ku salaysnaa Diinta ay ka talaabsatay, waxaynu caado Ka dhiganay inaynan dhowraynin balantu! Tusaale waxaad dad kula balamaysaa 1:00 duhurnimo, adigu waxaad ninkaas rabtaa inuu kuu yimaado 2:00Pm, Isaguna wuxuu ku mooday inaad ku darsatay labo saacadood oo wuxuu kuu yimaaday 3:00pm. Halkaas waxaa ku lumay waqti, is aaminaad iyo qayb ka mid ah Diinta!
"لا إيمان لمن لا أمانة له ولا دين لمن لا عهد له"
"Iimaan malaha Qofka aan amaano lahayn( aan la aamini karın) Diina ma lahan ( teena islaamka ) Qofka aan axdiga/ Balanka lahayn"
2- Marka la Joogo Wadamada Reer yurub ama aasiya waxaad aragtaa Dad, dad xarun ay Dan ka leeyihiin Saf ugu jira iyadoon lagu xad gudbaynin qofkii soo horeeyay iyo qofkii dambeeyay midna, Inta badan Safafka saas u dheeraada, Qof ay howshiisu tahay oo ku shaqeeya ma jiro laakiin, waxay ku saleeyeen dhaqankooda, waana is xaq dhoqrid, Diinteenuna waxay na faraysaa inaynan qofna xaqiisa duudsiin.
Qof kaaga Soo horeeyay meel ayaad kaga hormaraysa ama hadaad tahay Qofka meesha maamula kaga horeysiinaysaa qof aan xaq u lahayn laakiin oo ka dambeeyay ka kale, taasna waxay natiijadeedu noqonaysaa in qofkii uu Cuqdad qaado!
3- Qofka marka uu wax fiican uu kuu qabto, waxaa loo baahan yahay inaynu u mahadcelino oo aynu u ducayno, hadii inta uu noo qabtay aynu u gudi wayno. Xadiiskii rasuulkana wuxuu ahaaa .......
"ومن صنع إليكم معروفا فكافئوه فإن لم تجدوا ما تكافئونه فادعوا له حتى تروا أنكم قد كافأتموه"
"Qofkii wanaag idin sameeyo, u gudo wanaaga uu idin sameeyay, hadii aad heli waydaan waxaad ugu gudaan, u duceeya, ilaa aad ka aragtaan/ ka dareentaan inaad u gudeen"
Dad Fara badan oo aan Diin nala wadaagin, dhaqankooduna Naga duwan yahay oo aan arkay ayaa ku dhaqma, inagii Diin inooga timid xaga Allah SW, oo ay nasugayso xisaabteeda hadaan ku dhaqmi wayno. Dad diinta Islaamka aan haysana haday sida la inaga rabay ay ugu dhaqmayaan, maxaan Xisaabta ina sugaysa kaga jawaabaynaa?!
Comments