HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

Hooyaday waxay lahayd hal Il keliya, Markii aan iskuulka dhigan jirayna waxaan aad u necbaa hooyaday, ishaas ay la’dahay darteed, waxaan necbaa inaan saaxiibaday jacelkooda ku waayo arintaas awgeed, waxaan necbaa marka ay caruurta kale ay wejiga hooyaday arkaan sida ay u kiraahaysan jireen! Iyadoo sidaas ay tahay hadana hooyaday waxay qaban jirtay Labo shaqo si ay u hormariso Qoyskaanaga, laakiin anigu waan ka xishoon jiray arrinkaas, ma aanan rabin in ay cidi igu aragto anigoo iyada la jira, mar kasta oo ay iskuulka igu soo booqatana waan iska qarin jiray si aan la iigu arkin meel iyada u dhow.
Waayaha iyo maalmaha waxay isdhaafaanba, waxaa igu soo batay mowjado nacayb ah oo aan u qaaday haweenaydii (hooyaday) sababta u ahayd inaan iskuulka dhexdiisa saaxiibaday kula qoslo, daqiiqado yer oo xanaaq iyo nacayb isbiirsaday ayaa waxaan hooyaday ku iri: Inaad dhimatid fiicnaan lahaydaa! Isla marka aan saas leeyahay Dan kama lihi waxaa ay markaas dareemaysay. markii aan sii waynaadayna waxaan sameeyay intii karaankayga ahayd ee aan abooday si aan uga fogaado meel iyada ka dhowdahayba, markii aan dhameeyay waxbarashadana waxaan shaqo ka helay meel ka baxsan magaalada Jiddah, xusuusnow oo aniga iyo iyada isma arki doono maadaama meel ka baxsan magaaladeeda aan shaqo kale helay, waqtiga wuxuu socdaba waan guursaday waxaana aad ugu dhex mashquulay inta u dhaxaysa shaqada iyo qoyska aan yagleelay intii aan shaqadaas ku jiray anigoo ku haminaya sidii aan caruurtayda nolol raaxo leh ugu barbaarin lahaa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa anigoon filanaynin waxaa si lama filaan ah gurigaygii kusoo booqatay hooyaday, si la mid ah sidii aan u necbaa ayaa waxaan kala baqay in caruurtayda ay arkaan haweenaydaan Isha la’ Markii ay arkeena waxay la ooyeen duruufta ka muuqata! Aniguna oohintaas awgeed ayaan aad ugu xanaaqay, anigoo xanaaqayguna sababteeda dusha ka saaraya hooyaday, Qaylo iyo canaan aan loo meel dayin ayaan kala dul dhacay hooyaday u sheegayna inaysan mar dambe Gurigayga soo booqan. Laakiin hooyaday waxay si deganaani ay ku dheexan tahay iiga cudurdaaratay imaanshiyaheeda gurigayga, iyadoo war kale oo cudurdaarkaas ka baxsan iigula hadlin ayay Gurigana ka baxday.
Mudo tobanaan sano ah ka dib waxaa casuumaad iisoo diray iskuulkii aan kasoo qalinjebiyay si aan uga qayb galo munaasbada qalin jebinta ee sanadkaas dhacaysay, waan iloobay jidadkii aan sida tooska ah aan u mari jiray xilligii caruurnimadayda, waqti iyo war la’aan isbiirsday ayaa waxay ila kulansiiyeen dad aynu deris ahayn oo munaasbadii ka dib ii sheegay in Hooyaday ay dhimatay Fariin Qoraaleedna ay ii reebtay, waxayna u qornayd sida tan:-
"Wiilkayga Qaaliga ahow, marka hore waxaa ila quman inaan kaaga cudurdaaro booqashadii aan gurigaaga soo booqday caruurtaaduna aan ka Nixiyay, Sidoo kale waxaan ka xumahay Xishoodkii aad dareemaysay Markii aad yerayd ee aad iskuulka dhiganaysay, waan ogahay inaad maalin uun magaaladan kusoo laaban doonto, waxaana laga yaabaa inaan maalintaas aanan joogin meesha aad imaan doonto, waxaana u malaynayaa inaan waqti ku bixiyay si aan kuugu sheego wixii dhacay markii aad yarayd, Wiilkayga qaaliga Ahow Waxaa kugu dhacday xanuun aad mid ka mid ah indhahaaga aad ku wayday, aniguna waxaan dhacdadaas ku dareemay Murug saa’id ah sababtoo ah wiilkayga aan jeclahay ayaa ku waynaanaya Isagoo leh Hal Ill keliya, aniguna waxaan rabay in aad dunida si fiican aad u aragtid Sidaas darteed Waxaana ku siiyay mid ka mid ah dhaayahayga.
Wiilkayga qaaliga ahow, Mar walba waxaan ku jeclahay jaceyl Moolka qalbigayga kasoo go’ay, Mana ka shalaynayo kamana shalayn doono Isha aan ku siiyay, Waxaana kuu rajaynayaa Nolol raaxo leh.
-Hooyadaadi ku jeclayd.

Comments

Popular posts from this blog

رسائل من القرأن 1