THE MUQADIMAH

Ibnu khaldun xukun isku dhejis iyo diktaatooriyad buuggiisa kuma faalin!!!!!

Buugga “the Muqaddimah” ee uu qoray caalimkii Muslimka ahaa ee Ibnu Khaldun oo asal ahaantiisa luuqada Carabiga ku qoran ee loo yaqaano “ مقدمة ابن الخلدون “ waa buugga ugu badan ee la ictimaado marka ay timaado taariikhda bariga dhexe iyo Eeshiya guud ahaanteed, Siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo maamulka dowliga ah, sidoo kale umadaha ama dowladaha waxaa burburiya iyo waxaa dhisa ayaa si wanaagsan ugu lafaguray, wuxuu sidoo kale aad ugaga hadlayaa diktaatooriyada iyo nidaamyada dowliga ah ee aduunku ku hardamayo siday ku samaysmaan iyo amuuro kale oo badan, waa buug aad u cajiib ah oo Gaal iyo muslimba ay qiimayn aad u wanaagsan siiyaan.

Marka uu ka hadlayo xukunada dadka siday ku gaaraan wuxuu tibaaxayaa in qofka xukunka raadinaya uu taageero dhan walba ah ka raaadiyo cadawga qofka kale ee ay is hayaan, xittaa haddii uusan isku mabda’a aan ahayn, wadooyinka kale oo xukunku qofku ku gaari karo waxaa ka mid ah in dadkiisa (isku Qabiil ha noqdaan, isku deegaan ama wax kaleba ha noqdaane) uu taageero ka raadsado isagoo dadka kale ee isaga kasoo horjeeda u adeegsanayo si ay dadkaas u weeraraan iyagoo adeegsanayo qaab kasta oo dadkaas lagu jaa’ifayn karo Caay, weeraro gaadmo ah IWM, markay usoo dhiciyaana wuxuu ku daraa dadka madaxda ah sida wasiirada, gole Shuuro IWM, marka dambe oo ay dadkii xukunka usoo dhicayay ee uu meel kasta ka geliyay nidaamka dowladiisa oo ay baruurugaan oo hammi ka galo inay isago xukunka kula dhagaan ayuu haddana iyaga dhexdooda isku diraa, isagoo fagaarayaasha si toos ah iyo si dadbanba u dhaleecaynayo dadka uu uga shakiyo inay xukunka ka tuuraan, isagoo sheegaya in howlihii dowlada ay iyaga ka socon la’dahay.

Qodobka kale ee cajiibka ah waxaa ka mid ah in dowladu haddii ay daciifto oo ay kari waydo adeegii ay shacabka uga baahnaayeen mid amni, caafimaad, Waxbarasho IWM ay deegaanadu ay qabaa’ilkooda gooska dambe ku qabsadaan oo ismaamulo gooni ah samaystaan marka dambena ay ku kasta oo ismaamul samaytay midka kale ku duulo. 

Mahadsanid!


 

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

رسائل من القرأن 1