QABIILKA IYO QABYAALDA


Qabiil waa magac, mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn. Waa magac, sida buur, geel, magaalo, hassan, Aamina, Aadan iwm. Qabiilnimana waa ficilid. Sida Qabiil weyn, qabiil tiro yar, qabiil xun, qabiil xoog badan, qabiil laandheere ah, qabiil laan-gaab ah, qabiil wanaagsan, qabiil takooran, iwm. Marka qabiilka Qabiilnimo loo rogay ayaa wax walba naga xumaadaan oo ficilkii qabiilnimo ayaa hadda noqday sun kala geysey bahweyntii isku duubnaan jirtey oo waddaagi jirey walaaltinimo isku soo hirasho. Marka is-dhaleecaynta Qabyaaladda laga gudbo, qabiil waa isir Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asalkoodi hore u raad-raaca. Ceebi kuma jiri karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan loo arkin tilmaan ceebeed. Marka arritan dhabnimo loogu daadago, nin xun qabiil waa ka dhashaa, hase yeeshee Qabiil xun bulsho kama dhasho. Qabiilnimo lagu dhaato waxay keentay in midna la takooro mid kalena laga haybadaysto.

In midna la yaso ama la xurmo tiro, mid kalena loo sacba tumo oo aad moodayso mararka qaarkii malahaa Qabiilkaan Aruurta Nabiyulaahi Aadam ma aha miyaa si kale ayay ku imaadeen dunidan!!. Aragtida sidaas ku wajahan waxba ma kordhiso oo waxay wiiqdaa sharafta iyo kartida bulshada. ee aynu ka waantowno mahlakadaan aynu dabaalanayno inshaa allah.  aan Qiso gaaban raaciyo Mar ayaa waxaa dhacday wiil boqor ayuu wuxuu jidka ku dhex arkay Oday xooga yer ay tabardari ka muuqato isla markaana misaajidka u socda Wiilkii dhalinyerka ahaa intuu kor u eegay odaygii ayuu ku yiri " Adigoo sidaan u liita maxad jidka noogu ciriirinaysaa! ? isla markiiba odaygii ayaa ugu jawaabay isagoo si degan ulahadlaya Ina yera leexi aan isla hadalnee wiilkii isagoo kibir ku jiro ayuu dhinacee odayga u leexday isla markiiba odaygii ayaa wacdi u bilaaway oo uu ku dhahay wan ogahay inaad reer boqor aad tahay laakin waxad ogsoonaataa kibirkaan intaan la eg adigoo kugu jira hadana aad XAAR(Saxaro) calooshaada ku wadid Sidaa awgeed soo kama fiicnayn inaadan dadka yasin oo aad iskala waynan, Wiilkii intaas ayay ugu ekayd isla waynidaas.   Marka ka Soomaali ahaan Waxaa halkaan ina dhigay Waa qabyaalad ama isla wayni reereed e' aynu ka joogno ee yaynan kudaba safan Dadkeenii Soomaaliyeed ee halkan ina dhigay haba u badnaadaane SIYAASIYIINTA!!        Dadka cilmiga Phsycology-ga ( saaykooloji ) ku taxasusay waxay dhahaan " waalida mid ka mid ah ayaa waxaa ay tahay in aad maalin walbi wixii shalay/sanadkii hore/nusqarnigii hore Aad samaysay ee ku baday xumaan aad kusoo celisid" marka Bulshada soomaaliyeeday Gaar ahaan dhalinyarooy aynu ka dhiidhino intiii hore ee wixii nasoo maray nagu filane.    Waxaa jira wadama sidiini kadaran isu baa bi'yay hadana ka gudbay waxaas oodhan Tusaale:- 1994tii Rwadna 800K ilaa 1M qof ayay 100 maalin iska dileen hadana Kigali Waa magaalada ugu nadaafada Badan ee Africa, Intaas kuma imaan Wadada aynu hada kusocona.
Rwanda markii ay ka dhacayeen dagaalka ahliga ah ee dadka boqol boqol iyo shan shan boqol loo gelinayay qabriyada

Kigali waqtigan waa magaalada ugu nadaafada badan Africa.


waxyaabaha yaabka leh ee xusida mudan waa in eerboorka (Airport ) uu suran yahay Boodh( Board) ay ku qoran tahay:-
" Adigoo mahadsan magac ka mid ah Qabiilada wadanka haka hadlin"


by Jiheeye Group

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

QAYBTA 1-AAD DHAQAMADA AY AHAYD IN LA INOOGU DAYDO, LAAKIIN AYNU DAD KALE KA ARKAYNO!

ADUUNYO AMA AAKHIRO