ADUUNYO AMA AAKHIRO

 Ninbaa u yimid Cali ibnu Abii Dhaalib RC wuxuuna waydiiyay "waxaan rabaa inaan ogaado qolada aan ku jira: ma dadka nolosha dambe(Aakhiro) jacel oo danneeya ayaan ka mid ahay mise kuwa adduunyada jecel oo danneeya?

Cali (كرم الله وجهه) wuxuu ku yiri ninkii: jawaabtu adiga ayay ku jirtaa, Hadday labo qof kuu yimaadaan midi raba inuu ku caawiyo oo wax ku taro, midina adigaa kaa rabo caawimaad keebaad jeceshahay oo aad ku faraxdaa labadaas qof ?

Hadii uu ku farxad gelinayo qofka wax kaa qaadanaya ee aad caawinayso waxaad tahay nin daarta Aakhiro jecel oo daneeya. Laakiin hadaad jeceshahay midka kuu yimaado si uu adiga kuu caawiyo wax kuu taro markaa waxaad tahay Reer aduunyo oo daartan adduunyo ayaad jeceshahay.

Maxaa yeelay qofka adigu aad wax siiso wuxuu ajarkaaga u rarayaa Aakhiro, laakiin Kan ku siiya wuxuu kuu kordhiyay uun aduun.


Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

QAYBTA 1-AAD DHAQAMADA AY AHAYD IN LA INOOGU DAYDO, LAAKIIN AYNU DAD KALE KA ARKAYNO!