"ANIGU KAMA SAMAYSANI SOKOR OO MA DHALAALAAYO"
Waa magaalada Moscow, caasimada dalka Ruushka 22-ka Bisha July ee sanad kasta caadiyan Dadka Ruushka waxay u dabaal dagaan xasuusta maalinta ay dadka badan ugaga dhinteen dagaalkii labaad ee aduunka.
Maalin ayaa iyadoo uu dabaal deggu socdo la taaganyahayna meel fagaare ah ayaa waxaa dhacday in uu bilowday Roob mahiigaan ah oo aad u badan iyada oo uu Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladamir Putin na ku sugnaa fagaarahaas, waxaana inta roobku uu da'aayey Putin taagnaa fagaarahaas isagoo aanan wadan Dadlada roobka ama qoraxda laga galo.
Maalmo ka Dib, Waxaa uu tagay meel fagaare ah oo su'aalo lagu waydiinaayo mas'uuliyiinta wadanka oo isagu Ka mid yahay. Markaas ayaa gabar istaagtay oo waydiisay " Mudane Madaxweyne maxaad maalintii dabaal dagga ahayd aadan roobka uga gabban oo uu kugu dul da'ay"?
Wuxuu ku jawaabay "Sow ma ogid Daggaalku in aanu ahayn dhiig daata oo dad ay ku dhintaan qaarna ay ku dhaawacmaan oo kaliya. mida murugada Leh waa Dhaqdhaqaaqa ciidanka marka ay wax weeraraan iyo marka ay dib u gurasho sameeyaanba, Maalin iyo Habeen, Xagaa iyo jiilaal, Xiliyada barafka,iyo Roobka waxay joogaan jiida hore ee dagaalka. Marka ma jirto xaalad ay guryahooda ku tagaan, oo ay ku nastaan, markasta meeshaas ayay joogaan oo ay ku nool yihiin, oo ay ku dhimanayaan marka waa xaalad aad u adag oo laga cabsado, Sidaa awgeed anigu maskaxdayduba kuma Aysan soo dhicin inaan isticmaalo Dallad waqtigaas oo uu roobku da'aayay, Anigu Sokor Kama samaysani oo ma dhalaalaayo"!!
Weedha caan baxday ee sida aadka ah dadka u soo jiidatay ayaa ahayd "ANIGU KAMA SAMAYSANI SOKOR OO MA DHALAALAAYO" malaha waxaad mooddaa inuu ula jeedo ama biyo dhacu yahay wax kale oo qalbigayga dhalaalinaayo ayaa maskaxdayda ka guuxaya.
Askarigeena Soomaaliyeed inta uu Madaxweyne Putin Soo xusay oo ay ula jirto mushaharka yeri, haddii uusan haysan ama helin Hogaamiye dhibta uu ku jiro u og waxay ka dhigan tahay inuusan lahayn niyad (Moral) uu ku difaaco wadankiisa hooyo!
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qoraalkan qiimaha badan waxaa turjumay: Abdinasir Z. Muhammed oo ah arday Soomaaliyeed oo wax ka barta dalka Ruushka.

Comments