"Alma iyo Lila"
Labada gabdhood ee sawirka hoose kaaga muuqda waa labo walaalo oo faransiis ah waxaana lagu Kala magacaabaa Alma iyo Lila Lévy-Omari. Sheekada gabdhahan ayaa ah mid dalka Frances-ka aad looga yaqaano. Inkastoo ay waaldiinta labadan gbdhood ay Kala ahaayeen yahuudi iyo diin-laawe( aabahu waa yahuudi, hooyadoodna wax diin ah ma ay laha) hadana Waxay jaceyl xad-dhaaf ah uqaadeen diinta Islam-ka . Bilawgiiba Waxaa ay iska dhaafeen cunista hilibka doofaarka. Muddo ka dibna, Waxaa ay aabahood ku wargeliyeen inay kutalo jiraan bisha muslimiinta ee barakeysan ee Ramadan( holy Muslim month of Ramadan) inay soomaan. Si tan lamid ah ayaa ay hadana marlabaad Waxay aabahood ula wadaageen in ay salaadaha Shanta ah dukan rabaan maadaama qur'aanku sidaas amrayo. " ma ay jirto sabab aad ku diidi karto waxa ay damacsanyihiin, ayuu ku fekarey aabahood. Dabeetana, gabdhahan waxa ay joojiyeen aadista xeebaha loo damaashaadka tago iyo sida ookale xirishada dharka dabaasha (bathing suit). Waxay bilaabeen barashada qur'aank kariimka ah habeen ayeyna wada baran jireen. Inta yer ee ay habeenki bartaan waa ay xifdin jireen. Waxaa asxaabtoodi kuwa deriska la ah iyo kuwa La iskoolka ahba cajab geliyey isbedalka ku yimi iyo farxada ka muuqata labadan gbdhood ee da'da yer. Si tartiib-tartiib ah ayey u bilaabeen inay xirtaan dhar jirkooda wada qariya, xitaa xiliyada kuleelaha( jiilaal) Sidookle Waxay bilaabeen iney xirtaan iskaarshooyin si ay udaboolaan cagahooda. Muddo yer un ka dib Waxaa la dareemaayey iney si dhameystiran isubedeleen. Lila iyo Alma Waxay xirteen masar si ay uqariyaan timahooda, Xiliyada ay school-ka joogaana waxay iska dhaafeen laxaasaawida wiilasha Kamana ay qeyb qaadan jirin fasalada jirdhiska ( physical education classes), waayo qeyb ka noqoshada fasalada noocan ah waxa shardi u ahaa xirishada dharka gymka, taaso Lila iyo Alma ay dareemeen in haddii ay xirtaan dharka gymka qeyb badan oo jirkoodii ka mid ah ay qaawanaaneyso. Sanadii 2003 dii, madaxa schoolka sare ayaa kala dooransiiyey Lila iyo Alma iney tuuraan Xijaabada( waxa ay xirnaayen xitaa Xijaab dhamaystiran ma ahyn , ee waa maro yer oo qarineysey madaxa, qoorta iyo dhegaha) ama in schoolka laga cayriyo for ever. Intaa kuma uusan ekaan e waxuu soo jeediyey inay qaawiyaan qoorta iyo dhegaha si loogu ogalaado in ay waxbarashadooda ku Sii wataan schoolkan. Laakiin Alma iyo Lila taasi (qaawinta lugunta iyo dhegaha) waxay u arkeen wax aanu diinta Islam-ka ogaleyn, daboolista madaxa oo keli ahna Islam-ka uusan u aqoonsaneyn Xijaab. Sidaas aawgeed waa uu u cuntami waayey warka maamulahan, wayna diideen iney Warkaas qaataan. 24kii bishii September 2003 ayey isaga tageen school-koodi sare . Aabahoodii Yahuudiga ahaa, ahaana sharci yaqaan ayaa taageeray go'aankaa ay Labadiisa gabdhood qaateen. " maxaa ay tahay inuu sameeyo Aabe hadii gabdhiisu ay ka xishoonayaan qaawinta jirkooda? " Sidaa Waxaa yiri aabaha Alma iyo Lila ee Lévy-Omari. Asigoo warkiisi wato ayu yiri " waxa ay xirinyihiin ma ahan Xijaabka Islam-ka, kaasoo dabooli lahaa xabidkooda! Waan taageeraa gabdhaheyga waanaan ku faanaa!” Mid ka mid ah sababaha siyaasiyiinta iyo culimada ( culimo muslimiin ahyn ) ay soo xigtaan si ay u taageeraan diidista in ay hablaha madax dabooshaan ayaa ah, in masarka sida ay aaminsanyihiin uu yahay calaamad caalami oo lagu garto haween uu ragu caburiyey . Alma oo ka jawaab cilisey aragtidan Waxay tiri: "arigtideyda, haddii aad dooneysid inaad u gargaarto dumar la caburiyey , adigu ha caburinin dumar kle" oo ay ula jeedo hadii wxn rabno( xijaabka) naloo diido waa caburin.
Maanta boqolaal gabdhood oo Lila iyo Alma ookale ah ayaa Khasab looga dhigaa iney Kala doortaan labadan arimood midkood: iney Xijaabka dhigaan si ay usii wataan shaqadooda /wax barashadooda ama inay ku adkeystaan goaankooda oo ah ineyna tuurin Xijaabka taas oo keeni karta in la cayriyo.
Kani waa dhambaal/fariin ku socoda dhamaan gabadhaha muslimaatka ah, kuwaas oo fududeystey xirishada Xijaabka .
Roggista fariintan wakhti ayaa igaga baxay ee adna faafinteeda xil iska saar.
Mahadsanid.
W/ tarjumey Suleimaan Iidow

Comments