BOQOR IYO SAAHID IS QABTAY.

Waa Saahid ku noolaa/daganaa Geed Hoostiisa, Geedka uu degan yahayna Waxaa uu ku yaala Qasriga uu boqorka wadankaa ka xukumo hortiisa, Boqorka marka uu hurdada kasoo Kacaba wuxuu arkaa qofkii saahidka ahaa oo cibaadaysanaya, wuu layaabi jiray markii dambe maalin ayuu u tagay Saahidkii wuxuuna dhahay "waxaan aad ula yaabay saahidnimadaada ee ma iraacee oo ma igula noolaanee qasrigayga? Qofkii Saahidka ahaa wuxuu ku jawaabay dhib malaha wan ku raacayaa. Boqorkii wuu yaabay, Oo sidee isagoo Saahid ah ku ogolaaday inuu ii raaco qasriga oo uu ku ogolaaday inuu  ku noolaado qasri?! Boqorkii ayaa u qaadan waayay ogolaanshaha uu ka ogolaaday inuu raaco! Kadib markii la keenay qasrigii ayaa waxaa la siiyay Qol wayn , Sariir iyana wayn oo tii raaxada ah iyo raashiin nooc kasta leh. Boqorkii ayaa arkay marka kale, wuxuu layaabay qofkaan Saahidka ah oo jiifa sariirtii la siiyay oo uusan dhulka seexanynin, cunayana Raashin kan ugu fiican,wuxuuna ku dhahay Su'aal baan ku waydiinayaa " sideed ku seexanaysaa sariirta ugu fiican, raashinka ugu fiicana ku cunaysaa adigoo Saahid ah?! Maxaa farqi ah inoo dhaxeeya aniga oo boqor ah Iyo adiga oo Saahid ah?! Ma dhici karto inaad sidayda oo kale u noolaatid!. Saahidkii ayaa wuxuu ku jawaabay waan kaaga jawaabayaa ee Ina keen aynu is raacnee. Qasrigii ayaa laga baxay, Magaaladiina waa laga baxay, Meel magaalada ka yera durugsan marka gaaray ayaa Saahidkii hadlay " Anigu waan Soo baxay qasrigana u noqon maayo ee adigu kawaran hadaad meeshan igula noolaatid?!  Boqorkii Aya ku jawaabay " Dabcan waa wax aanan dhici Karin inaan ka tago Qasriga. Ee maxay tahay dalabkaan qariibka ah" ? Saahidkii ayaa ku jawaabay waa kanaa farqiga aniga iyo adiga noo dhaxeeyo, anigu Dhibna Kuma qabo inaan Geed hoostiis ku noolaado iyo inaan Qasri ku noolaado midna, wax kasta oo igu dhacana waa Qadarta illaahay, Sidaa awgeed inaan Qasriga Ka tago dhiba uma arko.  Anigu waxaan ku noolaa Qasriga dhexdiisa, Qasriguna ma ahayn mid dhexdayda(qalbigayga) ku jira. Laakiin adiga Qasriga ayaa dhexdaada ku jira oo isaga ayaa kugu wayn isaga ayaana ku qaribay. 

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

QAYBTA 1-AAD DHAQAMADA AY AHAYD IN LA INOOGU DAYDO, LAAKIIN AYNU DAD KALE KA ARKAYNO!

ADUUNYO AMA AAKHIRO