INYAR MOOYAANE WAYNU ISKA HILMAANAY !!!!
Maalinta qiyaame qof kasta waxaa laga rabaa inuu ka gudbo buundada siiraadka. Wuu ka jilicsan yahay timaha, waana ka af badan yahay seefta. Hoostiisa waxaa ahaaday naar oo jahanamo ayaynu dulmari doonnaa. Jannaduna dhinaca kale yey ahaan doontaa. Qorraxdu waxay ka daali doontaa madaxeena oo dusheeni bay ahaan doontaa, dadkuna waxay ku hafanayaan dhididkooda. Bini-aadamku way cabsan doonaan dambiilayaasha waaweynna way simbiriirixan doonaan, aroori doonaan oo ku dhici doonaan Naarta. Hooyo xitaa ma doonayso inay caawiso ilmaheeda maalintaas, laakiin miyaad taqaan waxa Nebigu ﷺ sameyn doono? Wuxuu is taagi doona siraadka oo ilaalin doona sida aan u gudbayno. Naxariista qalbigiisa barakaysan, wuxuu dhihi doonaa , " Yaa Allah, umaddayda badbaadi."
Sidee baynaan kuu jeclaan karin, Yaa Xabiibinaa, Yaa rasuula Allah ﷺ!
صلوات ربي وسلام عليك يا نبينا يا رسول الله
Sidee baynaan kuu jeclaan karin, Yaa Xabiibinaa, Yaa rasuula Allah ﷺ!
صلوات ربي وسلام عليك يا نبينا يا رسول الله

Comments