QAYBTA 2-AAD DHAQAMADA AY AHAYD IN LA INOOGU DAYDO, LAAKIIN AYNU DAD KALE KA ARKAYNO!
Hore waxaan Isla akhrinay qormo tan la xiriirtay inkasto waqti u dhaxeeyay Hadana waxaan ka cudurdaaranayaa dib u dhaca ku yimid qaybteeda labaad, waxayna inoo maraysay qodobkii 3aad Inshallah aynu Isla yera fahano.
4- dhaqanka aan ku arkay dadyowga kale ee mudan in la dhiira geliyo waxaa Ka mid ah, Qof ( Saaxib, Shaqo wadaag, walaal) aad tihiin hadii aad ka codsato Shay ama Howl inuu kuu qabto, Hadii uusan rabin ama aboodin inuu kuu qabto wuxuu ku leeyahay "Raali noqo ma aboodo" dabcan Physically wuu aboodaa laakiin, waxaa laga yaabaa inuu cawaaqib kale oo adigu aan kuu muuqan inuu kala kulmi Karo ama inuu waqtigu u saamaxaynin ama inuu Ka yera caajisan yahay inuu qabto howshaa, qofkii kale isagoon loo sheegin sababaha aan Soo taxnay ayuu ku qancayaa wuxuuna leeyahay "Waayahay waad mahadsan tahay" waa falcelis labada dhinacba Ka Togan.
Laakiin inteena badan waxaad moodaa inaynu Ka xanaaqno jawaab celintaas ama aynu kiis kale qofkaas ku raadino oo aynu uga aarsanayno tiisa, inagoo hadana aan ku ekaanaynin tiisa keliya, laakiin aynu labo ama sedax jibaarno!
Kasokow intaas, qur'aanka waxaa ku jirta aayad sheegaysa inaanan Diinta la isku qasbi karin soo gelitaankeeda, Hede waa Diinta! Bal kawaran arin shakhsiyadeed oo aad leedahay hadaad qof kale ku qasbaysid?!
لأ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ ۖ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ ۚ فَمَن يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِن بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىٰ لَا انفِصَامَ لَهَا ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ.
Marka laga soo tago intaas, Qof hadii uu wax ina waydiiyo, Waa inaynu u aragnaa inuu kheyr Nala Soo doonay, maxaa yeelay, caawinta ama Howl u qabashada qof kale faa'iidooyinkeeda waxaa ka mid ah:-
B) Adiga ayay camalkaaga fiican ee Aakhiro Kuu kordhinaysaa.
T) In qof wuxuu doono ha ahaado( Muslim ama Ahlu kitaab kale) aad sabab u noqoto inaad kurbo ka qaado.
J) In masiibo adiga kugu Soo wajahnayd lagaaga daboolo.
Gebagebadii labada dhinac ee aynu Ka istaagnay Arinta diidmada waa labo dhinac oo aan u arkay inay mudan yihiin in wax laga qoro.
Diidmada aan ka hadlayno micnaheedu ma aha inaynu wax kasta iska diidno, waxaa kaleeto xusid mudan inaadan Isku qasbin waxaadan qaadi karin oo kaaga yimaado qof kale, oo hadaad isku daydo laga yaabe inaad aboodi karı wayso deetana Been aan loo meel dayin aad wejiga ka saarto Qofka!
Comments