Dhaqamada aan aadka u jeclaaday ee muslimiinta ku dhaqan wadankaan(Ruushka) aan ku arkay waxaa ka mid ah, Lamaanayaasha is aroosaya maalinta arooskooda waxay beeraan ama Abuuraan Geed, Halka dadyowga kale ee aan muslimka ahayn ay quful ku xiraan buundooyinka webiyada kadibna ay furihiisa ku tuuraan webiga, iyagu waa kuwa qufulkee waxay u sameeyaan xasuus iyo in furihii lagu kala tagi lahaa ay tuureen (Calashan waan isjecel nahay ismana furi doonno), Laakiin waxaan aad uga helay Dhaqanka muslimiintu ay sameeyaan, Faa’iidada koowaad horta waa xasuus, mida labaadna waa sadaqo jaari ah (Noole kasta oo harsada, mirihiisa cuna iwm waxaa uga soconaya ajar iyagoo nool iyo iyagoo dhintayba), waa marka seddaxaade Cimilada Deegaanka iyo Bilicdiisuna way ku fiicnaanaysaa, waxaa laga baaqsanayaa cimilada oo xummaata (air pollution) iyo in dhulka geedaha badan (waa marka qof kasta geed abuuro e’) uu helo roob badan, anigoo qodobadaas ka duulaya ayaan jeclaystay inaan soomaalidayda la wadaago gaar ahaan saaxiibada iskaabulada ahna waxaan kula talinayaa inay dhaqankaan ka hirgeliyaan soomaaliya.


La wadaag Iskaabulada ku tala jira inay xaroodaan si loo dhaqan geligo qorshahaan.


Waa howshii ugu horaysay ee iskaabulada keliya khusaysa😂


Mahadsanid!

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

رسائل من القرأن 1