رسائل من القرأن 1

 أولئك ٱلَّذِینَ هَدَى ٱللَّهُۖ فَبِهُدَئهُمُ ٱقۡتَدِهۡۗ

Ilaahow:

Uma aan dukado sidii habboonayd(salaad khushuuc leh weyninkaaga u qalanta).

Mana aan soomo soonkii nabi Daa'uud CS(soon maalin dhaaf ah).

Markaan Xanuunsadana uguma sabro xanuunka sidii nabi Ayuub CS.

Umana tasbiixsado oo kuguma xamdiyo siduu nabi Yuunus CS samayn jiray isagoo weliba nibiri calooshiisa ku jiray 

(لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين)

Diintayadan xoog uma qabsado sidii nabi Yaxye CS (يايحي خذ الكتاب بقوة ).

Indhahaygana xumaha kama laabo siduu nabi Yuusuf CS xubnihiisa oo dhan uu uga laabay.

Mid saamaxaad iyo cafis badanna ma ihi ilaa xad aan dhaho qofkii i xumeeya siduu nabi muxammad scw sammeeyey ee ahayd inuu dadkii magaaladiisa uu jeclaa ka qaxiyey haddana markuu soo noqday isagoo weliba gaaladii awalka eridey ka ciidan iyo awood badan balse ku yiri:" iska baxa cafis baad wada tihiine" 

إذهبوفانتم الطلقاأ

Laakiin Eebbow sidooda oo kale anna waan ku jeclahay😭🤲📿

Kitaabka:

رسائل من القرأن. 

ادهم شرقاوي

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!