Elie Cohen waxaa iska dhalay laba waalid oo yahuudii carabowday ahaa, wuxuuna ku dhashay Dalka masar gaar ahaan magaalada Allexsandaria, waqtigiisa inta badana ku qaatay Qaahira, markuu 17 Sanno jir ahaa ayaa Sirdoono isreal ah oo joogay dalka masar ku beerjilicsadeen isirka yahuudnimada ay wadaagaan darteed inuu kala shaqeeyo xogaha ay u baahan yihiin, intuu howlaha shaqo ku guda jiray ayaa sarkaal sarre oo ka tirsan ciidamada amniga Qaahira ahna Saaxiib khaas u ahaa u sheegay “Maanta waxaan ku wajahanahay Hotel hebel oo la inoogu sheegay in sirdoon Israel ah uu dagan yahay” Illeen ma oga qofkuba Inuu isaga yahay, isla daqiiqadahaas ayuu ka tagay allaabtii xog gudbiyaha ah ee u taalay hotelka iyo qalab kasta oo laga shakin karo ka qaatay waxaana meesha loogu tagay qol faaruq ah oo laga dhamaystay, Muddo markuu la shaqaynayay ayaa la qabtay markii dambena waa la iska daayay maadaama shaki keliya lagu qabtay, dabadeed wuxuu u gudbay dhanka Israel, halkaas oo uu ku caddeeyay in uusan shaqo kale u qaban karin oo uu isaga tagayo, Wuxuu filanaayay in lagu adkayn doono laakiin nasiib wanaagiis waa loo ogolaaday Inuu ka tago, ogolaanshahaas Sidaas u fudud waxaa ka damabaysa caqliyad isaga kiisa ka qota dheer oo lagula macaamilo Dadka shaqada ka taga oo ah in meelaha kale ee ay shaqadda ka raadsadaan laga soo galo, waayuhu wuxuu isdaba gediyaba waxaa uu shaqo ka helay Kambani soo saara buugaagta, wuxuuna ku shaqo bilaabay lacag ka yer middii uu ugu shaqayn jiray Mossad, sababta U gaysay waxaa lagu sheegaa in intuu Shaqo la’aanta ahaa intii uu haystay oo lacag ahaa ku guursaday, doorasho kale oo aan ahayn lacagtaas yer uu ku shaqaynayana aanan u banaanayn, muddo markuu ku shaqaynayo, lana kacaa kufayo duruufaha nololeed, mushaharka yer iyo waxaa gabadha caruusad cusub ah ay rabto ayaa waxaa meeshii soo galay kuwii (Mossad) waxaana lagula taliyay inuu lacag tan uu meeshan uga shaqeeyo toban laabkeed la siinayo haddii uu kusoo laabto shaqadiisii horre, war kale maa jira hee, madax madax ayuu shaqadii isku tuuray Danta loo fasaxayay markii horeba intaas ayay ahayd dabcan meesha Kama marnayn in xiriir hoose dhex marayay kambaniga uu u shaqaynayay iyo Mossad.


Xarunta Tel eviv ee Mossad ayaa tababaro casri ah oo la xiriira Sirdoonka ku qaatay kadibna waxaana lagula dardaarmay “Waxaad tahay Kamaal Amin Thaabit oo ah wiil carbeed assal ahaana kasoo jeeda wadanka siiriya, markii aabihiis dhintayna u baxay wadanka masar halkaasna hooyadii ku geeriyootay kuna soo qaatay waqti badan oo waalid la’aana (is koris baad ahayd), markii noloshu in badan ay ku ciishay waxaad ganacsi yer ku bilowday wadankaas oo aad markii dambena aad ku noqotay ganacsade gayiga caan ku ah, waxaana kula dhashay labo wiil iyo gabar oo markii dambe dhintay adiga keliyana hadda ka nool firka waalidiintaada dhow ”

Waxaan la sheegayo waa mala awaal aan waxba ka jirin laakiin loogu dan leeyahay inuu ku howlgalo si ay taariikh nololeed uu ku howlgalo ay u noqdaan, sidoo kale danta laga lahaa in lagu shabeeyo Shaabada ganacsaddenimo waa in ay kusoo hoobmaan shacabka iyo Madaxda carbeed ee siiriya gudaha iyo dibaduba meel kasta uu tago.


Markii ugu horaysayba waxaa lagu qalabeeyay lacag xad dhaaf ah oo uu isku furdaamiyo, rumaysana taariikhda mala awaalka ah ee isaguna la xifdiisiyay, si ismaandhaaf taariikhdiisa ugu imaan lacala haddii baaritaan amni la marsiiyo (Security clearance), safarkii koowaadba wuxuu ka bilaabay wadanka Argentina oo lagu tuhmayay in bulsho carbeed ay deegaan u tahay, Cohen Argentina gal oo Carabnimo ku gal, marka shaqada uu u carbisan yahay iyo lacagta tira la’aanta ah ee uu wato lagasoo tago waa qof furfuran oo isdhexgalka bulshada aan loo meerinayn, markii ugu horaysayba waxaa uu ka bilaabay jaaliyadda Siiriyiinta ee wadankaas ku nool oo kala qaybgalay xaflado iyo shirar badan, waxaana sharaf badan ku dhex helay jaaliyadda dhexdeede maadaama uu qaraanka ugu badan bixin jiray, markii dambe wuxuu u dhaadhacay oo xiriir toos ah la yeeshay howlwadeenada safaarada Suuriya ee wadanka iyo safiirkuba. Intuu wadankaas joogay ayaa Safaaradda iyo jaaliyadda oo is kaashanaya u doodeen siduu wiilkoodaas (Sakiintoodaas xiniinyaha ka jaranaysa) u heli lahaa Baasaboorka wadanka oo markii dambe sidaas ayuu ku  helay, waxaa xusid mudan oo u hiilisay luqadaha badan oo uu yaqaanay (Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabiga) gaar carabiga (lahjada Suuriyaanka) oo u sahashay xiriirka kala dhaxeeyo dadka walaashanaya ee carbeed!


Muddo uu halkaas joogay ayuu markii dambe u ambabaxay wadanka suuriya oo uu ku beerjilicsaday madaxda iyo dadkii u dhowaaba inuu fursado ganacsi kasoo eego wadanka siduu shaqo badan ugu sameeyo dhalinta wadanka “Ganacsiga aan Switzerland ku leeyahay ayaan rabaa inaan wadanka usoo wareejiyo haddii aan ka fiirsan waayo xittaa” Hodhodho! Hhhhhh waa waxyaabaha uu ugu sheekeeyay safiirka iyo jaaliyaduba, war ninku jin miyuu ayuuto/hagbad kula jiraa waxaa xunka ah, mooji hhhhhh, waxay u eg tahay in cirbadu ay u gashay, intuu halkaas joogo howlaha safaarada iyo jaaliyadda siraheeda hoose ayaa loogu waramay si taruus ah ayuu isu dhaafinayay eray kasta oo uu helo isna.


Waayuhu wuxuu isdaba Maraba, Cohen Siiriya tag intuu joogayba safiirkii saaxiibkii ahaa ee uu Argentina uga soo tagay oo kalsooni aan la malaysan karin ku qaba ayaa wasiir loo magacaabay, adilee dubo adilee tooro may dhahaan reer xamarku, wuxuu halkaas ku helay kalsooni badan oo markii dambe u sahashay in madaxwaynaha la baro oo loogu sheego in ganacsadde Carbeed oo Siiriyaan ah yahay, balaayo kula ganacsato, si kala kuma cabiri karee dowladuu dhex mushaaxay isagoo maalin kastana sir amakaak gelisa Israel u diraya xarunta Mossad ee Tel Aviv.


Sanado badan oo uu Ku dhex noolaa siyaasiyiinta iyo siyaasada suuriya lagu maamulo Wuxuu hantay qalbiyada madax badan iyo shacabka intiisa badan maadaama lacagta danta guud loo uruuriyo Sida inay joornaal aan micno lahayn oo kale u bixin jiray, aaminaad heerkeede sarreeya oo shaki aanan dhankiisa laga qabi karin ayuu Ku gaaray salaankii uu sanado Ka hor kasoo fuulay isreal oo uu wili jaranjaradda basaasiinta ugu halista baddan Ku yahay.


Wixii rag sheegay rag baa diiday ayaan maqli jiray, fashilaad militiri, Siyaasad, Sirdoon iyo dhaqaale oo isdaba joog ah oo wadanku sanado badan Ka socdaanba waxaa Agaasimaha Mukhaabaraadka (Sirdoonka) suuriya lagu wareejiyay nin raganimadu aan xiniinyo Keliya Ka wadan ee rag, rag dhalay ah oo qaadan waa Ku noqotay fashilaadan aan isreal la gafaynay wax kasta oo ay doonto inay suuriya Ku samayso, markii la magacaabay Wuxuu shir albaabada u xiran yihiin la qaatay dhamaan teliyayaasha kala duwan ee ciidanka, Madaxwaynaha iyo Cohen oo meeshaas iska xuraystay oo Galgal badan balse aan laga war qabin inuu basaas Mossad yahay (P.s Cohen waqtigaas Wuxuu ahaa La taliye Khaaska u ah madaxwaynaha ), Teliyihii Sirdoonka Ee suuriya iyo Teliyihii militiriga Suuriya oo is wata ayay Golahaas soo hordhigeen İstiraatiijiyad Weerar oo qorshaysan in lagu qaado saldhiga İsreal ay Ku leedahay Buurah Golan Heights ee ku yaalla xuduuda ay wadaagaan İsreal iyo Suuriya oo waqtigaas ay xaalad dagaal oo kacsan Ka aloosanayd.


Waqtiga saxda ah ee weerarka militiri (H-hour), hubka dabaabadaha noocyadiisa kala duwan iyo duyuuraddaha xambaara gantaaladda wax gumaada oo waqtigaas ugu casrisanaa dunida oo ay Dowladdii Shuuciga ahayd ee Midowga Suufiyeeti ugu deeqday Suuriya laakiin waqtigaas isreal aanan soo gaarin iyo tirida ciidan ee saacada ugu horaysay howlgalkaas qaadaysaba Halkaas ayaa lagu go'aamiyay (Cohen hortiisa!! Yaa karaamo u yeella!), Cohen wuxu Xogtii oo aan hal sadar iyo hal kalmidna Ka dhimanayn u gudbiyay İsreal (Mossad)!


Wiil fashilaadii hore u qaadan waayay inay dhici karaan ayaa Sirdoonka suuriya haysta ee waxaa dhakafaraar Ku noqotay markii isreal dayuuradihii iyo dhamaan dabaabadihii dhulka la sintay oo guul daro qaraar soo gaarsiisay ciidamadii xamaasadda iyo hubka casriga ah lagu soo hubeeyay, halka ay maxaabiis ahaan u qabsadeen tiro Ka mid ah ciidankii suuriya!


Wiilkaan yer ee Sirdoonka suuriya haysta, guuldaraddii waxay bartay oo ay u cadaysay in aan dhici karın fashilaad noocan ah oo İstiraatiijiyad dad yer Keliya og yihiin aan suurtagal ahayn inay İsreal gaarto, oo haddii ay gaartayna ah ku hoos jirto cid u gudbisay farsamadooda dagaal iyo Waqtiga oo ugu darnaa in la ogaado.


Wuxuu qaylo dhaan u dirsaday Midowga suufiyeeti oo uu markaas Ka sugayay hub kale oo Ka casrisanaa Ka waqtigaas ay Ku dagaal galayeen, Isla markaana Ku darsaday qalab kale oo sheega cida wax gudbinaysa meesha uu joogo (Transmitter Locater) ( Dabcan qofka wax gudbinaya waxaa uu haystaa qalab uu wax Ku gudbiyo), markii loo keenay qalabkii ayaa qorshe aan caadi ahayn u dhigay isticmaalkiisa iyo saacadaha Ku haboon in la iaticmaalo, wuxuu qorshuhu ahaa in dhamaan qalabka wax gudbiya ee ay leedahay Laanta Sirdoonka iyo guud ahaan ciidanka qalabka Sida Mudo labo saacadood ah la dambiyo si loo ogaado cida kale ee iyaga Ka baxsan ee qalabka Fariin gubiyaha ( Massage Transmitter)  isticmaalaysa, haddii la samayn karayo in la damiyo qalabka ciidanka waxaa kale jirta safaarado shisheeyo oo isticmaalo oo wadamadooda xogaha caadiga ah ee safaaraduhu isdhaafsadaan u gudbiya, waxaaba caqabad kale Ku noqotay sida uu safaaradahaas ugu sheegi lahaa qorshihiisa, laakiin baaritaano dheer Ka dib waxaa la ogaaday in safaarado tıra yer Keliya ay si joogta ah u isticmaalan qalabkaas lagana xaajoon karo in Mudo labo saac ah laga damiga iyagoo loo cadaynayo in howlgal amni jiro Sidaas darteed si qalabkoodaas usoo qaban Transmitter Locater-ka ay rabaan inay Ku qabtaan cidda kale ee Ku dhex jirta ee safaaradahaas Ka baxsan.


Waxaa la isla gartay Wixii ka bilowda 8:00 oo haneenimo illaa 10:00  dhamaan qalabkaas la dambiyo si loo shido qalabka sheegayo cidda qalabka transmitter-ka isticmaalaysa, aan u laabanee dhanka Cohen wuxuu caadiyan fariimaha gudbiyaa 9:00 inta Ka bilaabata.

Waxaa markii la damiyay dhamaan qalabkii kale ee fariimaha lagu gudbinayay khadka guud ahaan siiriya Ka shidnaa hal fariin gudbiye oo Ka shidan meel 30-40 mitir u jirta guriga madaxwaynaha, hay'adii Sirdoonka suuriya waxaa Keliya qalabkooda soo qabanaya midkaas oo dabcan ahaa kii Cohen (Kamaal Aamin thaabit), Ku celi waa dhankaaas uun, War Ku celi waa gurigii uun, markii Sirdoonka suuriya qaadan waayay in dhowr jeer lagu celiyay sheegayo guriga Cohen keliya oo la iskula murmayo "War ninku waa nin ganacsadde ah oo aanan waxaas haysan karin, mayee waa ninku waa nin madaxda sarre la shaqeeya oo caan Ku ah guud ahaan Wadanka ee waa lagaa shakiyay lama oran karo, War waxaas ma jiraan Waan u daadanaynaa iyo Dhowr doodood oo isburinaya oo kale.


Laakiin markii dambe waxaa la Isku raacay in loogu daato gurigiisa. markii gurigii la isku shubayba waxaa loogu dul tagay isagoo isla waqtigaasba gacanta kula jira qalabka oo markuu in lasoo galay dareemayna uu inta tabartiisa ku dadaalaya siduu u kala qarin lahaan, laakiin maxay u tartaa, kalsoonidii uu isku qabay ayaa mar hore ku qanciday in gurigiisa beenbeentaas lagu dareemi karin oo sanado dhowr ah aqalkiisa meesha iska daadsanaayeen, warku yaan kugu badin e’ waa la qabtay isaga iyo qalabkiisuba.


Isla markii la qabtay waxaa warbixintiisa loo gudbiyay madaxwaynihii wadanka oo qaadan waa ku noqotay in ninka ugu dhow uu yahay sirdoon Mossad u shaqeeya, Wuxuuna isla Markiiba dareemay ninkan in carab dhalad ah uusan ahayn isagoo si weji ka weji ah su’aal ugu bilaabay isagoo leh “Qur’aanka wax maka taqaanaa” ?! markaasuu ku yiri “waan soo bartay laakiin waan iloobay”! Oo xittaa Qulhuwala ma taqaanid hadda oo waxaad I leedahay xittaa Hal suurad kama aqaano?! 

Dhowr kelimadood u badnaa intaas markay isdhaafsadeen ayuu ka tagay isagoo amar ku bixiyay in ninkaan meel aan kuwii(Mossad) kasoo gaari karin la geeyo.


Markii ay arintii kasoo wareegatay dhowr saacadood ayay mossad ka war heshay in ninkoodii gacanta lagu dhigay, isla markaana ay u baahan yihiin sidii ay usoo badbaadin lahaayeen, Laakiin ma doonaynin in meel fagaare ah kaga hadlaan in nin ka mid ah jaajuusiinta Mossad la qabtay! 

Laakiin yeelkood oo waa tan shaashadaha caalamka kasoo muuqday Cohen oo silsiladaysan. Dhanka kale Suuriya waxaa mushkilad saamaynteeda leh ku noqotay In nin galaangal iyo miisaan intaas ku dhex leh bulshada iyo hay’adaha ugu sareeya ee dowlada uu basaasnimo kula shaqeeyo haddana aan la ogaan Muddo sanado ah waxay in badan ka warwareegteen siddii Ra’yiga bulshada loo daba rogi lahaa si aynan u dhicin kacdoon bulsho oo sababi kari in wadanka uu galo khalkhal amni iyo mid siyaasadeedba, nasiib wanaag dadku sida laga filayay may noqon oo waxaa saamayn balaaran ku lahaa jabkii ciidankooda soo gaaray maalmo ka hor oo wili ciil qabeen markii dowladu arinta si dadban oo bulshada xanaaqa qalbigoodu hareereeyay lagu qanciyay in Agaasimaha mukhaabaraadka suuriya ee cusub shaqo adag uu qabtay una aarguday ummada carbeed guud ahaan gaar ahaan Suuriya oo markaas sharafba ugu filnayd inay qabteen sarkaal sarre oo Mossad ka tirsan.


Mossad fadhi uma yaalo ee waxay markiiba xiriir toos ah la sameeyeen ehelka Cohen gaar ahaan hooyadiis iyo xaaskiisa oo markaas u haysay labo caruur ah waxayna ka dhexdhexaadiyeen in ay u ambabaxaan wadanka faransiiska halkaas oo loogu balamiyay qareen sarre oo u dooda Cohen si ay u raacaan una furdaamiyaan lacagaha ninkaas u baahan yahay, wili Mossad ma rabto in nin iyaga ka tirsan gacanta lagu dhigay oo waxay ku meeraysanaysaa in daaha gadaashii ay ka maamusho arinka.


Malaayiin dollar ayaa waxaa gacanta laga saaray ehelkii Cohen oo safar ugu ambabaxay Faransiiska, ka daroo dibi dhal!! Suuriya waxay saacad ka dib bixitaankii ehelka Cohen ay shaaca ka qaaday in 24 saac gudahood cohen bartamaha dimishiq lagu daldali doono, Mossad oo isjooxaaris heer kaga gaartay soo furashada nin kasta oo laga qabsado xoog iyo xeelad waxay adeegsadaanba laakiin daruufta uguma simin saacadihii ay filanayeen warbixin caynkaan ah, waxaa xiriir degdeg ah lala sameeyay ururka qareenada faransiiska oo ka shaqaynta kiisaska noocan ah ku magac dheeraa, isla markiiba waxay dowladii suuriya ka codsadeen in xukunkaa dib loo dhigo si ugu yaraan ay halkaas usoo gaaraan wada xaajood horta ha dambeeyee, qareenkii faransiiska ahaa ee isreal maalgelisay wuxuu saacado ka dib gaaray magaalada dimishiq oo berito oo kale lagu balansan yahay in daldalaad aan hore loo arag lagu qaado Khaa’inka Cohen.


Markuu magaaladii gaaray qareenkii Israel sida hoose u dirsatay wuxuu waanwaan la galay mas’uuliyiinta sar sare ee Suuriya isagoo isku deyaya In seddax maalin dib loo dhigo xukunkaas adag, markii laga biya diiday wuxuu u balan qaaday malaayiin doolar iyo maxaabiis dhowr ah oo Suuriyiin ah oo Israel ay haysato ay ku doorsadaan laakiin Siiriya waxaa intaas oo dhan uga daran sidii ra’yiga dadwaynaha (Public opinion) u bedeli lahayd oo ugu qancin karaan in nin intaas oo sano ku dhex noolaa madaxtooyada, intaas oo sano Dhagar aan weligeed la maqal oo aan la arag u gaystay dowladda iyo shacabka suuriya in haddana waa la daayay aanan ku qancin karin shacabkaas.

War iyo dhamaantii waxaa waqti saq dhexe ah lasoo kaxeeyay Cohen oo lagala Daalay cadaadis iyo ciqaab tii ugu darnayd oo Noole mari Kara oo ah waxaa laga qaaday maqaarka jirkiisa 1/3 meel, cidiyahana waa laga siibay!!markii intaas ay lagala quursaday ayay geeyeen meel waraaqaha lagu daabaco isagoo loo sheegay in qoykiisa Waraaq u qoro wuxuuna warqaddii uu qoray u qornayd “Xabiibti anigu waan nabad qabaa oo wax dhib ah ima gaarsiisana, niyadda Kheyr u sheega, waan idin jeclahay adiga iyo caruurtuba” dabcan isagu ma qori karo ee waa loo qorayaa, nin ciqaab Noocaas ah kasoo baxay nusa saac ka hor miyaa qori kara, Laakiin waxaa yaabka leh ayaa ah uur adkaysigiisa iyo sida uu u hadlay.


Guntii iyo gebagabaddii waxaa Waqtigii loo balansanaa la Suray xaqriqii daldalaadiisa halkaas ayuuna buunkiisa ku dhaqaaqay oo hadda wuu naga hooseeyee, Cadaabta ku waariye!


Mahadsanid!


Abdinasir Z. Mohamed


Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

رسائل من القرأن 1