EICHMANN NOLOL AMA GEERI MID KU KEENA!


*****************Qaybta 1aad**************


Waa sarkaal Ka mid ahaa Saraakiishii jarmalka ee xasuuqay 6 Million oo yahuud ah intii u dhaxaysay 1941-1945(Sida la sheego!) Kadib dhicintaankii, guuldaradii qaraarayd iyo burburkii nafeed iyo maaliyadeed ee kasoo gaaray jarmalka dagaalkii labaad ee aduunka, Saraakiishii hor kacayay Nazigii digtaatoorka ahaana intii Ka badbaaday dagaalka waxay u kala firdhadeen Wadamada Yurub iyo qaarada koonfurta Amerika oo ay naf bideen si ay ugu badbaadaan, Adolf Eichmann Wuxuu Ka mid ahaa kuwa u cararay Dhanka Argentina Isagoo bedelay magaciisii runta ahaa illaa dhowr wadan uu marayna Midba magac gooni ah ayuu Ku maray, dhowr iyo toban sano oo uu Ka dhuumanayay Sirdoonka Farta Fudud Ee Mossad oo markaas curdan ahaa aasaaskiisa iyadoona ay hogaamiyayaal Ka ahaayeen dad Ka badbaaday Xasuuqii Yahuuda loogu gaystay Jarmalka ee loogu magac daray "The Holocaust" oo ciil Dhuunta uga go'an Saraakiishii Naziga.


Dhuumaalaysi iyo magac bedelis tiro beel ah Ka dib waxaa Ka war helay agaasimaha Ciilka qaba ee Mossad Isser Harel iyo kooxdiisa oo bar tilmaameed iyo Raadin gooni ah la daba taagnaa Adolf Eichmann, waxayna warbixin ku heleen inuu Ku Nool yahay guri Ku yaalla galbeedka magaalada Buenos Aires ee Caasimada Argentina, kuna dagggan yahay magaca Ricardo Klement.


Isser, Agaasimaha Mossad Wuxuu Argentina u diray siddeed sarkaal oo rag ah oo loo carbiyay basaasnimada iyo Dagaalanka waaba Haddii ay fashilmaan e'  iyo mid dumar ah iyo dhaqtar takhasus gooni ah u leh la macaaamilka dadka lasoo afduubo, Waxaana ay Ka gala galeen Argentina afarta gees iyagoo markii dambena isugu imaaday Bounes Aires, iyagoo sita: Taleefanka gacanta ee saraakiisha military-ga iyo boolisku isticmaalaan(Walkie Talkie), Qalab yer yer oo Elektaroonik ah iyo qalabka gargaarka deg dega ah, Dabcan ma fududa in wadan aan wadankaaga ahayn, aad Ku cusub tahay haddana todobaatan indhood leh Maadama laga soo dhamaaday dagaalo qaraaraa oo aduunka galbeedka intiis badan Ku hoobtay. Laakiin waxaa u hiilisay farsamadooda iyo sirdoono kale oo ay Ku lahaayeen Wadanka gudihiisa iyo Wadamada Ku xeeranba inay galaan wadankaas, warkaas badan haddaan kasoo dhamaano sirdoonaadii ha dagaano hotelo kala duwan iyagoo Isla markiiba kiraystay Baabuur iyo guri banaan oo ay adag tahay in Qof Ka shakiyaa in ay deggi karaan dad sirdoon ah.


Maalintii xigtay goor maqrib ah oo qabow yerna jira ayaa waxaa gurigii Eichmann loo diray dhowr Qof oo soo indha indheeya qaabka guriga iyo Waqtiga uu Hitchmen soo xaroodo oo warbixin horrena ay Ka haysteen si ay usoo xaqiijiyaan, waxaana Ammar lagu siiyay Haddii 8:00PM la gaaro inay meesha kasoo dhamaadaan iyagoo soo xaqiijiyay, xog istaraatiijiyad afduubna soo hordhiga golaha Ku sugaya hotelka, 8:00 la gaar waxna fara Laguma hayo waxaana Baabuur daqiiqad kasta policeka Argentina soo ogaan karaan ugu baakiman meel yera mugdi ah oo dhowr talaabo u jirta guriga ugaarta Caawa lagasoo doonay, Waxay isla dhex marayaan ugaartii way shakiday wadadiina wuu bedeshay, Ka daa saas ma ahee guriga aan xogta Ku helnayba ma aha guriga Eichmann ee inaga kaxee iyo warar isburinaya oo muraar dilaacna aan Ka marnayn ayay labaatan iyo dhowr daqiiqo Isku celcelinayeen, marna ay Isku canaananayaan aan baxno iyo aan joogna, inagaa nalaga shakinayaa haddii waqtigii la inoo qabtay aynu Ka dib dhacno IWM, Adu wal wal uma yarayn.


Nasiib wanaag ama Nasiib daro waxaad tiraahdidba 8:30 PM waxaa bus station guriga u dhowaa kasoo dagay Adolf Eichmann, Isagoo soo dhukran oo soo galaya gurigiisa waxaa si ilduuf ah isha la helay mid Ka mid ah ugaaratadii oo bixitaan afka u saaran, wuxuuna baaq sirdoon oo la isla yaqaano u diray saaxiibadii, Iyaga yaqaane siday isugu baaqaane. Baaq, kaas uga Farxad badnaa maalintaa iyo intii howlgalku socdayba maysan arag, Aw Eichmen Dhukrane gurigii gal oo la ogaa Waqtiga uusoo galo, Bus-ka uusoo raaco iyo meesha uu kasoo galo guriga.


Aan u laabanee dhankaa iyo hotelkii waxaa meeshaas dhegaha iyo maskaxduba ay u furan yihiin seddax arrimood mid, waa midda koowaade waxay ka cabsi qabaan in shabakadoodaas wadankaas dagaalka sirdoon kusoo qaaday boolisku ogaado oo laga fashiliyo howlgalkoodaas, midda labaadna waa saxankii ay u dirsadeen in ay usoo fiiriyaan ugaartooda ay wadamo badan marin xabaabin darteed Usoo mareen boolisku qabto, Laguna cadaadiyo inay qirtaan inay sirdoon yihiin, iyaga oo hotelka iska joogana ay farta kusoo fiiqaan iyo in iyaguba ay gooyaan oo ay basaasiin labo wajiile ah ay ku noqdaan, Laakiin yaa usoo sheega in warka ay usoo sidaan uu intaas oodhan ka duwan yahay. Yaan war kugu daaline kadib waxaa guriga ay daganaayeen ugu soo dhacay war farxad leh oo koombo ku jira oo ay ula yimaadeen saaxibadooda saxanka ugu maqnaa sidii ay u keeni lahaayeen xogtii Adolf Eichmann.


Xog ku fillan oo lagu soo afduuban lahaa Adolf la hel, waqtiga la qorsheegay in lasoo qabtana waxay ahayd isla bishaas ay marayeen 11-keeda, si 12-keeda loo qaado, Laakiin waxaa filan waa ku noqotay markii xubno uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Isreal lagu casuumay dabaal dega aasaaska Dowlada Argentina oo isla bishaas 19-keeda inuu dhaco lagu balansanaa, mar waa u farxad mukhaabaraadka Mossad Marna waa u murugo, aan ku horayno murugtooda e’ waxay ka baqayaan in toban maalin la sugaa afduubkaas ay halis gelinayso naftooda, in lasoo ogaado howlgalkooduna ay macquul tahay iyo in labada wadan ay meeshaas khilaaf uga bilowda, waxaa kaloo xusid mudan in Argentina ay ka xun tahay xasuuqii Loo gaystay isreal marnabana kasoo horjeesanaynin sirkaal Nazi ah oo Mossad ka qabsanayso wadankeeeda, mida farxadda u lehna waxay ahayd inay fursad dahabi ay u tahay una fududahay ka bixitaanka magaalada maadaama Wafdiga wasiirku ay la imaanayaan diyaarad khaas ah. Diblumaasiyad caalamka ayaa u shaqaysa in diblomaasiga aan baaritaan lagu samayn Karin marka uu joogo wadan kale oo uu marti u yahay, Tusaale Safaarad wadanka Isreal ay ku leedahay Argentina xeyndaabka ay ku dhisan tahay qofkii galaa wuxuu la mid yahay isagoo Isreal galay, lamana taaban karo qofkaas wuxuu doono ha ahaado ee iyadoon Amar laga haysan safaaradaas, Diblumaasiyad meeshan uguma hadlayno Laakiin waxaa meesha soo geliyay fursadda ku jirta in lagu qaado Qofka ay meeshaas tobanaanka qof ay u joogaan soo qabashadiisa, Adolf-ow yaa dabeesha kuu soo raaciya waxaa laguu maleegayo. Yeelkaage! Ma noolid hhhhhh.


Falanqayn dheer ka dib isser, Agaasimaha Mossad wuxuu amar kusoo bixiyay inaan lala sugin toban maalin oo kalee ee hadda (waa 11-ka bishee siduu qorshuhu ahaa ) lasoo qabto illaa 19-kana meel qarsoodi ah lagu hayo, Wiil hoog! Go’aan adkaa hooyadiis la gubiye hhhh.


Waa amar Kama dambays ahee, 6:30Pm waxaa la isku shubay halkaa iyo gurigii dhukane warmoog (Adolf Eichmann), iyagoo 


Lasoco qaybteeda 2-aad berito Illaahay idinkii.


Malahaa shalay waan idinku fududaaday sida la sheegay wuu yera dheeraa maqaalku Laakiin maanta soo kala yareeyay midkan.


Mahadsanid!


Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

رسائل من القرأن 1