EICHMANN NOLOL AMA GEERI MID KU KEENA!






*****************Qaybta 2aad***************


Waa amar Kama dambays ahee, 6:30Pm waxaa la isku shubay halkaa iyo gurigii dhukane warmoog (Adolf Eichmann), iyagoo wata seddax gaari oo ay kala saaran yihiin mid 3 ah mid 2 ah iyo mid kale oo 3 ah, midka labada saaran yihiin waa dul banaan qofolan, si kale haddaan u sawirana waxaa loogu talagalay in lagu soo rido Adolf sida jawaan Cusbo ah aan dhaawac inuu soo gaaro looga baqaynin, hebel waa Lasoo afduubay Kamana sheekayn haddaad maqasho isagaan la afduubaan.


Goor ay dhowr iyo toban daqiiqo ay ka dhiman tahay waqtigii adolf gurigiisa Gali lahaa ayay isku soo beegeen, waxay gaarigii dul banaanka ahaa la heleen meel yerra mugdi ah, haddana jidka uusoo maro Adolf Eichmann u jirta 2-3 mitir, Halka labadii gaari ee kale mid waardi yahay, midka kalena uu si aan la malaysan karin laamiga midig iyo midix ugu ordayo ileen waa fursad gaad ee. waqti lagu qiyaaso 8:25 waxaa meel 30 mitir u jirta halka baabuurkii dul banaanaa taagnaa soo istaagay bus numberkiisu yahay 103, waxaana kasoo degay Adolf oo aan wax shaki ah qabin markuu isla soo simay gaarigii dulbanaana inta kor Loo qaaday ayaa dhulka Loo daayay, meel looga yimid iyo meel kale isagoon garanaynin oo malahaa isleh Jinni ayaa ku helay, markuu qaylo afka furo is yirina, afkiiba mar horaa wax aad moodid in loogu talagalay afka adolf oo ka maqnaa loo geliyay oo silent saaray, Adolf Afkiisa iyo jirkuba gacan kuma hayo calashan Mossad ayaa maamulaysa, mar labaad Ayaa inta kor loola booday, Barrida, ciribta iyo goonka dambe ee maddaxa salxada gaarigii ay salaamaan hhhh wili uma dhamaanee mid u carbisan in dadka sida gaariga u raaco kusoo dul dhacay sida in cirka mar qura laga wada soo tuuray laakiin isaga uun dhulka ku horeeyay, waxaan oo dhan waxay dhacayaan muddo ka yer Hal daqiiqo, laga yaabe inaad isleedahay war wuxu maxaa ku dhacay muu isdifaaco Sarkaal ayuuba ahaaye, laakiin haddii maskaxdu ay diyaar u ahaan lahayd dagaal degdegaas ah way fiicnaan lahayd, fursadna uma helin intaad hadda ku fikiraysidba, Waxaa ka sii daran, qof inta waxaas oodhan ay socdaan u haysta in jinni kusoo dagay muxuu qaban hhhhhh. 


Daqiiqado uun ka dib waxaa loo dhaadhiciyay halkaa iyo meeshii lagu Hayn lahaa dhowrka maalin ee ka dhiman kaxayntiisa dhanka isreal, war iyo dhamaantii Adolf in mossad gacanta u galay waddo kalena uusan u banaanayn wuu arkay laakiin Wuu Iska nool yahay ma ogiyee nafsad ahaan wuu dhintay, jir ahaana dhulkac tiro ah ayuu qabaa.


Guri ka yerra fog midka ay kuwii soo qabtay ku noolaayeen oo hore loo diyaariyay ayaa lagu tuuray, aan xoogaa ku nagaanee guriguna, xoogaa waa waasac, waxay labadii maalin ay joogeen ku dhiseen meel ciriiri ah oo ay adag tahay in boolisku arko qofkii meeshaa lagu xarreeyo, waaba haddii ay soo weeraraane, Adolf markii meeshaas lagu tuuray ayuu ku baraarugay in meeshaan lagu hayn doonin, Daqiiqado yer Ka dib waxaa usoo galay qolkii lagu tuuray labo kaadiriinta Mossad ah waxayna waydiiyeen "Sheeg numberka kuugu qornaa kaarkii aad uga tirsanayd Xisbigii Naaziga ee Hitler" ? Ma warbaa u yaalla Sidii in calculator Xisaab Isku dar ah lagu qoray ayuu Wuxuu usoo tuuray "waa 45326, lambarka kalena waa 63752" Dabcan iyagu mid way haystaan mid ka mid lambarada uu sheegay, laakiin Midka kale wuu Ku cusub yahay, Su'aashi xigtay waxaa la waydiiyay "Magacaa" ? "Ricardo Klement Ku jawaab" ma waxaas ayaa Dadkaan u cuntama waxay ugu celiyeen "Magacaa" ?! Mid kale ayuu soo daayay illeen magacyo badan ayuu adduunka Ku mari jiree "Otto Heninger" Sheeg magacaa ?! Markii ay u cadaatay inaan is dabaaliskaan lagu dhaafaynin ayuu lasoo booday "waxaan ahay Adolf Eichmann" wuxuuna u raaciyay "Waan ogahay inaan Israel gacanta ugu dhacayee, cadaadiska badana iga yareeye, luqada Hebrew-ga (Luuqada isreal loogu hadlo) oo aan kusoo bartay Warsaw ayaan aqaanaaye igula hadla! Magacii iyo lambarkii haddiiba laga helay war kale laguma celin, Illeen iyaga ayaaba la Aamini la'yahay inay soo qabteen Eichmann oo waxaa loo maleynayay inay Qof aan Eichmann ahayn Ku qaldameen.


Daqiiqado yer markuu meeshaas ku jiray ayay labo ka mid ah afduubadayaashiisa Usoo galeen si ay u waardiyeeyaan sababtoo ah waxaa laga cabsi qabay in uu is Dilo, Isla marka ay soo galeena waxay gacanta la galeen afkiisa kolay wuuba ogaadee in isreal gacanta u galay yuusan liqin Kaniini gooska Dambe lagu qabsado oo marka ay halis qabasho ama afduub kusoo foodsaarato la liqo oo Nafta daqiiqad Ku dhaafiya oo ay ka shakiyeen inuu gooska ku haysto, kiniinigaas waxaa inta badan isticmaala hay'adaha Sirdoonka Qofkii lagu arkana cadayn kale loogama baahanayo inuu sirdoon yahay, Laakiin isagu waqtigaas kaniini afkiisa kuma jirin, Halka isaguna aaminsan yahay in raashiinka ay siinayaan sun ugu soo darayaan, 16M² ayaa la iskula jiraa, ma ahee qofba waxbaa Ku guuxaya, oo waa tan gabadhii Iyaga la socotay ay diiday inay dhaqdo alaabtii isaga wax lagu siiyay oo maxay?! Iyaduna waxaa welwel Ku hayay in alaabtaas Sunta shucaaca ah ee jirka, lasoo mariyo alaabta ayna Ku waxyeelowdo, waxaa xalku noqday in saxan kasta la tuuro, bacdamaa iyaguna diyaar u ahayn in meesha la Isku qabsado oo fursad ugu soo baxdo lasoo afduubtahan inuu la macaamilo midkood waxaa go'aankaas qaatay midkii hogaanka u hayay afduubayaasha.


19-kii bisha la gaar, oo wafdigii Isreal oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha dibada immaa, wafdigaas waxaa kale la socday Safiirka Argentina u fadhiyay Isreal iyagoo wata diyaarad khaas ah. Siyaasadda iyo dhaqanka dowladnimada casriyaddan waa wax yaab leh e’ wasiirku waxaan oodhan lama socdo oo waxba kama oga illeen waa arin sirdoone, markii ay soo dhamaatay munaasabaddii lagu casuumay, qorshahooduna yahay inay laabtaan maalinta xigta ayaa waxaa xiriir gaar ah lala sameeyay hagaha wafdigan oo lala socodsiiyay damaca Mossad ee ah inay rabaan in uniformka dharcadka waardiyayaasha wasiirka dhowr joog laga siiyo si ay ugu muuqdaan waardiyaal oo ay u raacaan diyaaraddaas, markuu ammar diido yer sameeyayna waxaa lasoo xiriiray Isser harrel isla markiiba howshii ayuu u dhameeyay.


Mucjisaddan bal ila eega oo diyaarad lasoo hel qorshaha bixitaankuna waa diyaar, waa kanee qof wadankii uu daganaa la rabo in eelboorkiisa diyaarad lagaga qaado e’ ma aamusnaan?!Dabcan maya. Waa Adolf Eichmann qofka aan ka hadlayno e’

Waxaa hadda howshiisa soo baxday dhakhtarkii la socday howlwadeenadan afduubka gaystay, laga yaabe inaad qaybihii hore is waydiinaysay mee dhakhtarkii ama maxaa dhakhtarna meesha ku falayaa? Laakiin bahashu way ka duwan intaas oo Eichmann waxaa lagu muday cirbad yaab leh oo qofka “allaala” ka dhigaysa Laakiin aan ka qaadaynin dhimirka oo wax wuu maqli karaa waxba wuu arki Karaa Laakiin go’aana ma qaadan karo mana hadli karo, Balaayo ha idin aamusiso dheh! Hhhhhh.


Damac qof guulaystay ma yerra e’ waxaa saacado dhowr ah ka hor Duulimaadkii diyaarada la ogaaday in meel u dhow gurigii lagu hayay Eichmann, uu dagan yahay mid ka mid ah Saraakiishii Naaziga oo la mid ah Eichmann, waxaa Damac ka galay in Ninkaana lagu soo daro Eichmann oo labaduba Isreal laga dejiyo Laakiin waxaa arintaas ku gadaamin illaa dhowr su’aalood iyo khataro aan la iska indha tiri karin, waa midda koowaade haddii iyagoo howlgalka ay kusoo qabanayaan ninkaan kale fashilmo waxay ka dhigan tahay in Eichmann isna aan la qaadi doonin ama booliskuba ay soo furan karaan, aqabada ugu wayna taas ayay ahayd. “Wax badso wax beel bay leedahay miyay dhahaan soomaalidu” marka si loo eegana arintaas way ka baxsan tahay istaraatijiyada Sirdoonka! Waxaa u cad ayaa ahaa in labo nin oo Saraakiil Nazi ah ay Isreal ku dajiyaan waxayna u noqon lahayd wax la qaadan waa ku noqon lahaa dunidii reer galbeedka oo dagaalada sirdoon ugu Dakayn jiray dunida,


Markii dambe arrintaas way isku canaanteen oo waxay is tuseen in Adolf Eichmann isreal la geeyo muddo asbuuc ahna la qariyo, xogta ah in Eichmann lasoo qabtay, saxaafadda galgalka badana laga dhowro xog kasta oo u sahli karta inay arrintaas ogaadaan, si ugaarta kale ee Dareenada signaliska feejignaanta ah leh aan uga warhelin, gaar ahaan ninkaan la qorshaynayo in asbuuca Eichman ku qarsan yahay isreal isna laga Daba geeyo. 


Intii aan Eichmann laga qaadin maddaarka waxaa wadankii ka baxay seddax ka mid ah afduubayaasha iyagoo u kala dhoofay wadamada la jaarka ah Argentina, si haddii la ogaado in Eichmann la qabtay oo isreal laga dejiyay banaanka soo baxdo ugu badbaadaan baaritaanadda laga sameeyo wadankii ay ka qabteen.


Nasiib darro iyo Nasiib wanaag waxay tahay garan maayee warkii waxaa loo sheegay Ra’isul wasaarihii isreal David Ben-Gurion, isagoo laga codsaday inuu saxaafada ka fogaado si aysan uga soo fakan sirtaas xasaasiga ah muddo asbuuc ah, Laakiin Siyaasigu waa wax yaab leh e’ maalintii xigtay ayuuba furka tuurtay isagoo sumcad ka raadinaya shacabka ciilka u qabo Eichmann, Dunida Reer galbeedkuna dhoolatus Sirdoon ugaga naxsaddo, waxaana ka tan badisay rajada uu ka qabay labadaas arin wuuna sheegay arintii intaan asbuuciiba la gaarin, qorshihii labaad ee ahaa in Ninka kale lagu soo qabto asbuucaas gudihiisna meeshaas ayaa Eey ku cunay.


Gebagabaddii waxaa eelboorka Buenos Aires laga qaaday Eichmann oo aan wax dhibaato jireed ah oo ka baxsan markii lasoo qabanayay oo dhulka dhowr jeer Loo daayay oo yerra tabanayo dhul dhicii.


Dunidii Reer galbeedka ayaa yaabtay oo gacmaha dhabanada saartay oo qaadan waa’ ku noqotay sida ay ku dhacday arrintaas


Eichmann muddo ka dib ayay maxkamad Bilaa Racfaan ah saareen wayna daldaleen.


******************Dhamaad*******************


Mahadsanid!


Abdinasir Z. Mohamed

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADAY HAL IL BAY LEEDAHAY !!

رسائل من القرأن 1