KAFTAN
Qaabka aad u kaftanto waxay wax badan ka odhanaysaa qofka aad tahay, kaftankuna waa in uu noqdaa mid aan si wayn iskaga eegno marka loo eego sifaadka iyo tilmaamaha kaftanka. Mararka qaar kaftanku qofka wuu bahdili karaa, mararka qaarna adiga ayuu ku bahdili karaa waayo waxaa laga yaabaa inuu gaf kaa dhaco ama aad adeegsato hadallo laga roonaa, mararka qaarna kaftanku waxaa loo aseegsadaa in farxad laga helo laakiin waxay ku xidhan tahay ujeeddada kaftanka iyo qofka aad la kaftamayso.
Marka ugu horraysa ee uu Nabi Maxamed SCW kula kaftamo waxay kugu noqonaysa lama ilaawaan waayo waa Rasuulkii Alle oo aad jeceshay qaddarin tii ugu weynaydna aad u hayso. Mararka qaar asxaabta wuu la kaftami jiray, mar uu la kaftamayna waxay ku yidhaahdeen, "Nabi Allow ma nala kaftamaysaa, xaqiiqdii ma annaga ayaad nala kaftamaysaa?" Farxad darteed bay saa u lahaayeen. Nabiga SCW wuxuu ugu jawaabay ,"waan kaftamaa laakiin waxan run ahayn ma sheego." Waxaa kale ee Nabiga SCW sheegay in uu Janno guri ku leeyahay qofka iska ilaaliya Beenta xataa haddii uu kaftmayo لمن ترك كذب وان كان مازحا
Caaisha rc waxay tidhi Nabiga SCW inuu ahaa qof kaftama markuu guriga joogo كان مزاحا في بيته. Kaftanka Nabiga SCW wuxuu ahaa mid leh ujeeddo sidoo kale wuxuu ahaa mid cilmiyaysan. Wuxuu ahaa mid kula xidhiidhaya ehelkiisa iyo dadka kaleba. Waxaa kale oo uu Nabigu SCW kaftanka u adeegsanayay in uu ku dejiyo xaalad kacsan waxaana daliil u ah markii ay murmeen Cali bin Abii Dhaalib rc iyo Faatima rc ee uu Nabiga SCW tagay guriga Faatima, wuxuu Faatima weydiiyay Cali waxay ku tidhi isaga oo cadhaysan buu masaajidka aaday. Nabiga SCW masaajidka ayuu aaday wuxuuna arkay Cali oo meel Seexday. Intuu Boorka ka jafay buu ku yidhi kac ciidda aabaheedow قم يا ابا تراب halkaas oo Cali-na qoslay.
Nabiga SCW sidoo kale wuxuu kaftanka u adeegsan jiray in uu dadka kaga dhaadhiciyo arrin muhiim ah (arrin markii hore aad ka walwalsaneed ayuu kaftan dadka ugu sheegi jiray si looga fahmo wax aad u qurux badan). Tusaale, Mar uu Nabiga SCW weydiiyay islaan da' ahayd, "Islaan wayn miyay jannada galaysaa"? Markaas oo Islaantii yara xanaaqday Nabiguna ku yidhi, "Islaan wayn janno ma galayso sababtoo ah qofwalba wuxuu jannada galayaa isaga oo dhallinyar." Islaantii aad bay u faraxday markay maqashay hadalka NABIGA SCW.
Kaftanka NABIGA SCW waxaa kale oo uu ku tusayay in uu dadka dhagaysto si fiican. Inta badanna wuxuu la kaftami jiray dadka masaakiinta ee aan waxba haysan kuwaas oo aan dadka kale la hadlin. Tusaale ahaan, Zaahir rc oo ahaa qof dhallinyar oo sidaa u qurux badnayn ehelna ku haysan Madiina ayuu Nabiga SCW inta badan aad ula kaftami jiray waqti badanna la joogi jiray. Marka uu Nabiga SCW asxaabta meel kula kulmo wuxuu inta badan si kaftan ah ula hadli jiray Zaahir isaga oo tusinaya muhiimadda Zaahir rc.
Waxaa jirtay mar uu Zaahir dhexmarayay suuqa Madiina isagoo iska socda ayuu Nabiga SCW gadaal intuu uga yimi Hab siiyay isagoo lahaa "yaa iga iibsanaya adoonkan?! Yaa iga iibsanaya adoonkan?!" Zaahir markuu ogaaday in uu Nabiga SCW yahay ayuu farxay oo ku dhagay wuxuuna yidhi, "Nabi Allow yaa i iibsanaya oo wax igu falaya xataa haddii aan adoon ahaan lahaa?" Nabiga SCW wuxuu ku yidhi, "laakin adiga Alle agtii qaali baad katahay." ولكنك عندالله غال.
Nabiga SCW kaftankiisu wuxuu ahaa mid dadka ka farxiya wuxuuna ahaa mid cilmi ahaan iyo diin ahaanba dadka uu la kaftamayo faa'iido ugu leh.
W/Q Buhaal Moalim Adam
La wadaag asxaabtaada.

Comments