رسائل من القرأن 2
Risaalada 2aad وَرُسُلࣰا لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَیۡكَۚ Hadday dadku iska kaa indha tiraan ama arki waayaan waxaad dadka dheertahay ama aad kaga wanaagsantahay, ha quusanin oo niyadda ha iska dilin. Waxaa kugu filan kaana badan inuu Eebbe kuu ogyahay qofkaad tahaye. Nabi Nuux miisaankiisa waxba kuma kordhinayso inaynu garanay qofkuu ahaa, Nabiyada aanu Eebbe inooga warraminna moogganaanteenna aanu mooggannahay cidday yihiin miisaankooda waxba kama dhimayso. Ciidankii Haaruun Rashiid waxaa ku jiray labaatan kun oo askari oo mujaahiddiina, kuwaa oo aan weligood diiwaanka askarta magacyadooda ku qorin, weligoodna mushahar qaadan si aanay qofna u ogaan oo u aqoonsan mujaahidnimadooda Eebbe mooyee(ikhlaas dartii). Saaib Ibnul Afraq ayaa u yimid Amiirkii mu'miniinta Cumar ibn khadhaab isagoo uga tacasiyadaynaya Shuhaddadii ku shahiiday Nahawanda. Markaasuu tiriyey dadka mansabka lahaa iyo kuwii caanka ahaaba, hebal waa shahiiday,hebal kalena wuu shahiid...